W/Q: FARAH AW-OSMAN
Qof aan asxaabnahay ayaa igu casumay kulan ka dhacay Magaaladda aan ku
dhaqanahay ee Ottawa, kulankaas oo ahaa goob ay Ayaan Xirsi Cali
kajeedinaysay hadal kusaabsan aragtideeda ku aadan Islaamka iyo weliba
iyadoo soo bandhigaysay buug cusub oo ay qortay kaas oo loogu yeero (
Nomad) ama
reer-guuraa. Hadaba, Intii aanan aqbalin casuumada ayaan su’aalo badan
isweydiiyay, sida: Waatuma Ayaan Xirsi? Maxay ka hadli doontaa?
Maxaanse ka soo faa’iidayaa ama ka soo kororsanayaa hadaan tago
kulankaasi?
Aqoonta aan u lahaa Ayaan runtii waxay ahayd min kooban, badanaana
marjaca aqooneed ee aan Ayaan ulahaa waa mid ku koobnaa oo keliya
macluumaadka aan ka akhriyay Saxaafadda Caalamka, iyo Mida
Soomaaliyeedba. Buugta ay qortay Ayaan sida (
Infidel)
Gaal, iyo (
Nomad) Reer-guuraa qof akhriyay
maan ahayn, kafool kafoolna warkiisaba daa.
Waxaanse nasiib u
yeeshay inaan Magaalada Dubai iyo Boosaasoba nolol kula kulmo Alla u
naxariistee Aqoonyahan Xirsi Magan Ciise oo ahaa aabihii Ayaan.
Aragtida ka sokoowna waxaan anigoo kuray ah dhagaysan jiray duruustii
tacliimeed ee uu Xirsi ka soo dayn jiray Raadiyaha Kulmis, gaar ahaan
barnaamijkiisii Laaska Daawadda. Xirsi wuxuu ahaa aqoonyahan, siyaasi,
iyo wadani ruug cadaa ah, kaas oo ay agtiisa aad ugu waynayd Mabaadida
Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliguba. Waxuu kaloo Xirsi ku caan ahaa
aqoonta Luqadaha gaar ahaan fartii Cusmaaniyada iyo Mida Soomaaliga oo
uu aad u jeclaan jiray in eray kasta oo afqalaad ah oo aan eray bixin
loohayn inuu Soomaaliyeeyo, sida: Haashtariig (ashtray), oo uu ugu yeeri
jiray (Dambas Qaad), Saacada oo uu ugu yeeri jiray (Goorayso) iwm….
Waxaan kaloo aad uga dharagsanaa Ayaan iyo ka bixitaankeeda diinta
Islaamka iyo weliba Aflagaadada aan kala go’a lahayn ee ay ku hayso
caqiidada, mabaadidi iyo dhaqanka Islaamka taas oo meelka dhac ku ah 1.6
Bilyan oo qof oo ku abrisada Caqiidada Islaamka. Hadaba dood dheer
kadib, naftaydu waxay igu qancisay inaan casuumada aqbalo, anigoo
istusay inay haboontahay inta la iiga sheekayn-lahaa inaan dhagahayga ku
soo maqlo, indhahaygana ku soo arko Ayaan iyo ololaha ay wado intaba si
aan uga salgaaro ahdaafteeda, u ogaado waxa ku kelifay cadaawada iyo
dagaalka Islaamka ka dhanka. Waxaa jira odhaah uu yiri Nabigeena Suuban
Nabadgelyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee: “
Laysal Khabaru kal Mucayanah”
oo micnaheedu tahay “war laguu soo tabiyay la mid ma’aha waxaad indhaha
saartay”, sidaa awgeed inaan ka soo salgaadho Ayaan oo ilayn Ishu iyadaa
macalin ahe inaan goobta tago ayaan goostay.
Kulankii Ayaan iyo
Habeenkii Khamiista
Waxaan goobtii kulanka tagay 7 fiidnimo ee June 10,2010. Intii aanan
gudaha kulanka gelinba waxaan dibada kula kulmay Askar labisan iyo kuwo
dharcad ah oo sugayay amaanka goobta. Waxaan xaga danbe ka istaagay saf
dheer, waxyar kadib ayaa islaan iga horaysay igu tiri tigidh ma
haysataa , waxaan idhi haa, kadib waxay igu wargelisay in safkaani yahay
mid loogu tala galay dadka aan tigidhada haysan. Dabadeed waxaan ka
baxay safkii anigoo toos u abaaray iridii Mayfair Theatre oo ahayd
goobtii kulanku ka dhacayay. Hadaan guddaha ugalay tiyaatarkii waxaan
la kulmay goob dad la ciirciiraysa oo aan kursi la fariistoba lahayn.
Hadaan doon doonay kursi aan salka dhigo, waxaa ishaydu ku dhacday kuras
banaan nasiibdarose xaga danbe oo ugu koraysa tiyaatarku ku taal.
Goobtii hadaan fariistay waxaa dareemay inaan aad uga fogahay aragtida
iyo il ka buuxsashada Ayaan. Dabadeed waxaan isku dayay inaan kursi ka
helo safafka hore, nasiib wanaag waxaan arkay saaxiibkay oo helay labo
kursi oo xaga hore oo bidix ah, kana banaan safka labaad.
Wax yar kadib markaan salka dhulka dhigay ayaan jaleecooday wajiyadda
dadka gollaha soo buuxdhaafiyay una yimid inay Ayaan dhagaystaan, mise
waa wajiyo wada cad oo d’a walba leh, wax madow ah waxaa ishaydu ku
dhacday labo nin, wax Muslim ah ama Soomaali ah oo aan ka ahayn aniga
iyo Saaxiibkay goobta kumaan arag. Hadaan ka fakaray sababta ay taasi
ku dhacday waxaa iisoo baxday:
· Maadaama ururka abaabulay kulanka uu yahay Ottawa Writers
Festival, waxaan dareemay dadka meesha soo buuxiyay inay yihiin dad
Ayaan buugteeda akhriyay, una yimid inay qof ahaan ula kulmaan
· Waxaa kale oo aan dareemay in maadaama Muslimiintu guud ahaan
, gaar ahaana mushtamaca Soomaalidu ay hore u maqleen ugana dhargeen
Ayaan iyo aragtideeda inay doorbideen inaysan goobta imaan ilayn war la
qabo xiiso malaha’e.
Wax yar hadaan goobtii fadhiyay waxaa soo galay rag ka tirsan ciidanka
nabadsugida kuwaas oo isku hareereeyay goobtii ay fariisan lahayd Ayaan,
waxay kaloo dhigeen ciidan la darays qaba oo ka tirsan Booliska
Magaalada Ottawa dhamaan irridaha laga soo garo qaacadii aan fadhinay.
Inyar ka dib waxaa soo galay nin iyo haweenay aan u maleeyay inay
ahaayeen gacan yarayaasha Ayaan kuwaas oo fariistay labo kursi oo naga
horeeyay oo loo sii xajiyay.
Hadii iridii la furay waxaa goobtii soo galay Ayaan Xirsi kolkaas ayaa
dadkii goobta wada joogay istaageen oo sacab iyo sawaxan gollahii
isqabsaday. Ayaan waxay fariisatay kursi aan sidaas nooga fogay,
kadibna soo jaleecday xagii aan fadhinay aniga iyo saaxiibkay iyadoo
muusoonaysa. Waxaa hadalkii furay masuulkii Writers Festival isagoo ka
hadlay dadka qoraaga ah ee sanadkaan lagu casumay Festival-ka kuna soo
dhaweeyay Ayaan Ottawa, wuxuu makarafoonku ku soo dhaweeyay wariyaha ka
tirsan Idaacada CBC Ottawa waa Lucy van Oldenbarneveld, haday ka yara
sheekaysay taariikhda Ayaan waxay kadib ku soo dhawaysay makarafoonka
Ayaan.
Ayaan waxay qadar labaatay daqiiqo ah akhriday cutub ka tirsay buugeeda
cusub ee Nomad. Buugaas oo ay ku tilmaantay mid sheekadii buugeedii
hore ee Infidel sii wadaya. Waxay tilmaantay in ay buugga u kala
qaybisay afar qaybood oo kala ah: sheekada qoyskeeda, Waxa ka khaldan
Islaamka , Lacagta iyo cudub ay tiri xal ayaan ku soo dhiraan dhiriyay.
Cutubkii dhaqaalaha ama lacagta ayay qadar 20 daqiiqadood ah noo
akhriday. Cudubkaas waxay kaga hadlaysay concept ama aragtida
dhaqaalaha ee Islaamka iyo reer Galbeedku kala qabaan, gaar ahaan waxay
sawirtay sawir aan oran karo aad ayuu mugdi u ahaa kaas oo ay ku
tilmaantay khibradeedii qaxootinimo ee Holland.
Waxay ka soo sheekaysay nolosheedii xeryaha qaxootiga ee Holland, sida
ay ku heshay sharciga, markii ugu horaysay ee la siiyo guri ay degto,
lacagtii ugu badnayd ee gacanteeda soo gasha oo ahayd 5000 oo gildar.
Runtii waxaan aad ula yaabay sawirka khaldan oo ay Ayaan ka bixinayso
Islaamka iyo mabaadida dhaqan dhaqaale, sidoo kale nolosha aadka u
khaldan ee ay ka bixisay Haweenka Soomaaliyeed. Waxyaalihii iigu yaabka
badnaa ee ay ka hadashay waxaa ka mid ahaa:
· Inay tiri maadaama aan dumar ahay lacagna aysan gacantayda
soogeli jirin lacagtii iigu badnayd ama aan arko waa dayntii xafiiska
caydha i siisay is aan guriga qalab ugu dhigto.
· Markii social worker-ku iwaydiiyay inaan wax lacag ah oo
“Saving” ah haysto waxaan ugu jawaabay bay tiri waa maxay “saving”?,
waxay igu tiri bay tiri waa lacag aad meel dhigatay si aad hadhow u
isticmaasho, waxay tiri waa markii igu horaysay ee concept ama figrada
ama micnaha saving aan maqlo ama fahmo, waxaan arki jiray oo keliya bay
tiri ayayday oo lacagta hooyaday ama aabahaysiiyo ku qarsata barkinta.
· Waxay kaloo tiri lacagtii markaan qaatay ayaan waxaan la
tegay dukaan lagu iibiyo Kaarbadada iyo daahyada waxaana lacagtii oo
dhan marka laga reebo 400 oo Gildar ku soo iibsaday labadaas shay.
Waxaa iitimid gabar ibari jirtay afka oo Holandees ah waxayna aragtay
guri qaawan oo aan sariir, kuraas, TV iyo maacuun midna oolin waxayna la
yaabtay bay tiri jahliga ihaysta. (waxay si shucuur leh dadka ugu
gudbinaysay adoonsiga dumarku ku jiraan, iyo sida aan lacag inay
gacantooda gasho loogu ogolaan jirin, xornimo ay wax ku kala ogaan
karaana u heli jirin qaxootinimada iyo nolosha macaan ee Qaxootinimada
Yurub ka hor)
· Waxay kaloo aad uga hadashay sida ay Soomaalidii Holland ku
noolayd lacagaha daynta ah ee ay caydhu siiso iyo lacago ay Credit Cards
ka xoqdeenba ugu diri jireen Kenya si eheladooda loogu soo tahriibiyo
Yurub, iyadoo tiri kadib markaan luqada bartay oo aan turjubaan noqday
waxaan go’aansaday inaan xiriirka u jaro dadkaan iyaga ah, iyadoo tiri
lamaan hadli jirin Soomaalida marka laga reebo kuwa aan u turjubaanayo
mooyee.
Markii ay dhamaysay akhrintee buugeeda ayaa waxaa la guda galay waraysi
dhex maray iyada iyo wariyihii.
Su’aalaha la waydiiyay waxaa ka mid
ahaa:
· Sidee baa adigoo ka dhex baxay Islaamkii u doonaysaa inaad
isbadal ku samayso?
· Maxaa kugu kalifay inaad ka baxdo Islaamka, goorma ayayse
figradaasi kugu dhalatay?
· Dadka kaa soo horjeeda waxay leeyihiin Ayaan waxay dhagaha
dadka Cadaanka ah ee dhaqan ama dabaqada dhexe ah maqashiisaa waxa ay
jecelyihiin in dhagahoodu maqlaan, sidaa awgeed dhagaystayaashada iyo
akhristayaashaadu waa kuwaas oo keliya soo maaha?
Waxay Ayaan sawirtay sawir sakhiif ah oo aad mugdi iyo naxdin u leh oo
ku aadan Islaamka, iyadoo ka hadashay in adoonsi lagu hayo dumarka, in
Islaamku khatar ku yahay jiritaanka aadanaha. Silicii ay hooyaday iyo
ayayday ku jireen ayaa igu kalifay inaan islaamka ka baxo anigoo
go’aansaday inaanan iyagoo kale noqon, waxay tiri hooyaday waxay ii
diiday inaan iskuul dhigto meesha aabahay uu ii dagaalamay. Waxay kaloo
tilmaantay inay 1991 xero qaxooti ee ku taala xuduuda Kenya iyo
Soomaaliya kulana kulantay gabar Soomaaliyeed oo ay Askarta Kenyaatigu
kufsadeen dabadeedna dadkii xeradu ka kala carareen kaligeedna ay meel
cidlo ah deganayd, halkaas oo ay silic ugu dhimatay.
Waxyaalihii Ayaan ay ku hadashay waxaa ugu yaabka badnaa markii la yiri
maxaa xal ah, waxay ku jawaabtay oo buugeeda Nomad na ku qoran in ay
tiri dadka Kirishataanka ah waxaan u soo jeedinayaa inaad tagtaan
xaafadaha Muslimku ku noolyahay oo aad ku dadaashaan inaad diintiina soo
gelisaan. Gabadii wariyaha ahayd oo la yaabsan jawaabta Ayaan ayaa
tiri oo Ayaan sowdigaan bilaa diinta ah oo aan Ilaahba aaminsanayn
“Atheist” , teeda kale soo tani noqon mayso wax dhibaato iyo khilaaf sii
kala dhex dhigi karta dadka diimaha kala duwan haysta? Waxay Ayaan
tiri intaan Ilaah ul haysta oo dadka madaxa ka jaraya aan aamini lahaa
waxaa dhaama Ciisaha timaha dheer ee baloondada ah leh oo kabaha
saandalka ah wata oo nabada badan!
Hadaan isku dayo inaan taabto wax kasta oo Ayaan afkeeda ka soo baxay
waxaan filayaa inaanan hal qormo kaga bogan Karin.
Gunaanad:
Waxyaalaha aadka ii cajiibka geliyay waxay ahayd beenta aan kala go’a
lahayn ee ay Ayaan buugeedana ku qortay dadkii goobtaas joogayna ku dul
akhriday. Sida aan wada ognahay Ayaan waxay ka dhalatay qoys aad uga
dhisan naaxiyad dhaqaale iyo tacliimeedba, Aabaheed wuxuu ahaa nin
horaadkii lixdameeyadii ka qalin jabiyay Jaamacaada Columbia University,
sidoo kale wax ka bartay Talyaaniga, ahaa ruugcadaa aqoon, siyaasad,
diin iyo adabka luqadaba ku xeeldheer. Waxay Ayaan wax ku baratay Kenya,
Itoobiya iyo Sacuudigaba, iyadoon Iskuulaad aad ugu horeeya tacliinta
ka soo baxday. Qof silic, qaxootinimo, cadaadis iyo cadaab midna soo
aragtay maahayn. Sidaa awgeed sawirka ay nafteeda ka sawirtay ama
sheekada ay ka dhigayso inay iyada ku soo dhacday waa mid ka fog
xaqiiqda nololeed ee Ayaan, balse waxaan oran karnaa waa FICTION , iyo
male awaal ay ku riyootay Ayaan, taas oo ay nafac aduun iyo mansab aan
lagu waarayn uga danleedahay, kuna jaahwareerinayso dadka aqoonta
Islaamka ay u leeyihiin ay iska kooban tahay. Sidaa awgeed maadaama ay
buuga ugu yeertay Reer Miye waa in ay iska dhigtaan qof aan habeen
magaalo arag, qof aan weligeed iskuul tagin, qof aan waligeen lacag,
dayn iyo xaadaarad kaleba arkin, jishaana qof laga soo qabtay duurka
iyadoo xayawaanada la xadraynaysa, sidoo kale si ay qabiyada reer
Galbeedka ee buugteeda akhrista ugu raaxayso waa in ay muujisaa sida ay
uga horeeyaan waxa ay ugu yeertay nolosha Barbeeriga ah ee aan
naxariista, xadaarada iyo aqoonta midna lahayn.
Waxaa kale oo naxdin leh sawirka ay ka bixinayso qoyskeeda sida
aabaheed, hooyadeed iyo ayaydeen, kaas oo ah mid madow oo cadaadis,
dhibaato, jajuub iyo silic ka muuqdo.
Waxaa intaasba isku fuuqsaday aragtida guracan, sawirka naxdinta leh ee
ay ka bixisay Islaamka, dagaalka iyo dabargoynta ay la jeceshahay in
lagu qaado Islaamka iyo cadaawada iyo isku dhirka ay kala dhexdhigayso
dadka Muslimiinta ah iyo dadka diimaha kale aaminsan.
Waxaa kale oo doqonimo aan ku tilmaami karaa weerarka qaawan ee ay ku
hayso mabaadida Multiculturalism ama dadka kala dhaqamada duwan ee sida
nabada iyo wada noolaansha leh ugu wada nool caalamka, gaar ahaan
wadamada reer galbeedka. Anagoo og hadii aan daryeelka danyarta, soo
dhawaynta qaxootiga iyo wada noolaansha dadka kala duwan aysan ka mid
ahaan lahayn xeerarka wadamadda galbeedku inaysan Ayaan cag soo dhigteen
Holland, horumar ka gaarteen halkaasi kana mid noqonteen Baarlamaanta
dalkaasi, sidaa awgeed inay har iyo habeen weerarto xeerarka iyo
mabaadida u saamaxday ama siisay fursada hormarineen waa mid doqonimo
aan ku tilmaami karno.
Isku soo duuboo, Ayaan waa qof maskax badan, laakiin aad moodid in
cadaawadi ka buuxdo, xanaaq badana xambaarsan, nacaykuna ka indho tiray
run iyo xaqiiq badan, aad moodid inaysan kala saari Karin dhaqan iyo
diin, run iyo been. Nolol silic ah oo aysan amni haysana ay maanta ku
sugan tahay, socon karin waardiye la’aan, mari Karin meeshay doonto,
dhuumashona ka doorbiday xoriyad.
Dariiqa ay qaadan waa mid aan wada noolaansho, isku soo dhawaansho, is
faham iyo is qadarin aan ka dhalin Karin caalamka ay maanta colaada ,
dagaalada iyo cadaawadu hareeraysan. Waxay wadaa olole abuuraya sii
kala gogaansho, sii hurinaya dhibka iyo dhibaatada, kala oodayana
ummadaha caalamka.
Way ku haboonaan lahayd in Ayaan dood cilmiyeed lala sameeyo , balse
taasi waa mid aan maanta suurto gal ahayn baan filayaa, balse waxaa
haboonaan lahayd in la tago goobaha ay hadalada ka jeediso, lana
waydiiyo su’aalo waafi ah, sheekooyinka guracan ee ay dadka ku
akhrinaysana si nabad iyo reer magaalnimo ku jirto loo saxo loona
radiyo. Hadii dadka Muslimiinta ama Soomaalida ahi aysan hadlin sheegin
waxa ay aaminsan yihiin, aragtida ay ka qabaan waxa ay Ayaan afuufayso,
Islaamku waxa uu u taagan yahay, aragtida Islaamku ka qabo dumarka,
diimaha kale, iyo wada noolaanshaha iwm.. waxaa filayaa maqnaanshahaasi
waa kan Ayaan u saamaxay ina dad badan oo aan aqoon u lahayn Islaamka ku
jaahwareeriso oo cadaawada iyo sii kala fogaansho ku aaburto.
Waa in aynaan ka yeelin kooxo iyo afraad afduuba Islaamka oo sawir xun
oo xaqiiqda ka fog ka bixiya Islaamka , kuwaasi ama ha huwanaadeen
cimaamad Islaam ama sida Ayaan Ilaahayba ha inkireene. Waa in
mushtamaca Muslimku xisitaanka khaladka , difaaca maba’adida aan
aminsanahay waa inaysan qofna uga haybaysan. Waxaad moodaa maanta in
Islaamkii kooxo xag jir ah, ama afraad raba inay guddaha iyo dibada ka
dumiyaan ay caadaysteen inay afduubaan diintaa magaceediina ku
qaraabtaan, mid dhaha diintaan dadka qori caaradiis ugu dhaqayaa iyo mid
dhaha diintaani waa masiibo in la tirtiro oo la saxo u baahan. Waa in
jamaahiirta kor u dhaaftay Bilyanku hadlaan iskana qabtaan fidma
walayaasha guddaha iyo dibadaba.
W/Q: Farah Aw-Osman
Xigasho: garoweonline.com
Publish Date: 6/14/2010
Last Updated: 6/14/2010
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
 | La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010... |  | DHAR DHAARADA GUMAYSTAHA (WQ Maxamed Xirsi Guuleed)... |  | Axmed Cabdisalaam, Mulkiilaha Idaacada Horn Afrik Oo La Sheegayo Inuu Diinta Kiristaanka Faafiyo. (Kismaayo News)... |  | BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE? |  | Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa! |  | Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda (C/raxiim C. Shaafici)... |  | Ethiopia & Puntland Extradition Deal: Grave Violation of International Law |  | Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay |  | Is the whole world novice at the historical Ethiopian-Somali animosity?. (Article By M. A. D. (Stanza).)... |  | Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa (Maqaal - C/raxiim C. Shaafici)... |  | The Plight of the Ogaden Refugees: Time for the UN to protect them |  | Somalis back ex-president in prize bid |  | Geeddi: Xataa Aniga, C/hi |  | Hindiya iyo Waxbarashada....Qaybta 4--aad, Information Technology (IT) |  | Somaaliyeey Walaalayaal Dhegeeysta Xikmadahan. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab... |  | Wiilkii aan soo Laaban. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Raga la dhiibayo rag baa u maqan. W/Qorey Cali Maxamed Dhagax... |  | Qoloba Calankoodu Waa Cayn. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Asmooyinkii Aw Makaadsade. W/Qorey A. M. Yusuf... |  | Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. (Xoog shisheeye xukuumad la guma noqdo) W/Qoray Maxamed dhaga... |  | Duullaanka Shisheeye Iyo Demmanaanta Soomaalida!. Qoraalkii Maxamed Baashe X. Xasan... |  | Unheard-of System of Government. By Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)... |  | Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?... |  | Somali Leaders Have A History of Making Costly Mistakes. (Article By Abdullahi Khalif-Gariile)... |  | Hamiga Xabashida Iyo Hanka Soomaalidu Waa |  | Raxanta Zanaawi Soo Dhowaada Camal Miyaa? (Qormo - Xasan Carab)... |  | Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed. (Maqaal - W/Qorey Xasan Carab)... |  | Ku abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga. |  | Bariga Afrika iyo Muuqaalka beesha Ogaadeen. W/Qorey D. Cabdiyare... |  | Difaaca Dhulka Hooyo waa waajib Diineed iyo Qarameed |  | Ala! War Odaygii Zenaawi maxaa ku dhacey? (MAQAAL: By Al-Haji)... |  | Drs Khadiija Muwaadimnad U Taagan Daryeelka Iyo U Adeegida Dadkeedda... |  | Baydhaba Oo La Cakiran Dananka Durbaanada Colaadeed. (W/Qorey Xasan Carab)... |  | BAAQ KU SOCDA XILDHIBAANADA ABSAME ... |  | Siyaasadxumo Waa Nololxumo (Maqaal - W/Qorey Siciid Axmed... |  | Somalia's transitional government was dead on arrival. By Sadiq A. Abdirahman Political and Human Rights Activist. |  | Hindiya Iyo Waxbarashada Qaybtii 3-aad: Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)... |  | Sayid Maxamed Cabdulle Xassan; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa. Qeybtii 2aad... |  | Ururka IGAD Caqabadda Nabada Somaaliya Hor-taagan... (2) Idaacadda Somaaliyeed(SOA London) Warbaahiin Cusub... Qoraalada Xasan Carab. |  | Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano) W/Qorey Wardheere... |  | Sayid "Maxamed Cabdulle Xassan: Shaqsi naadir ah" Waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxda... |  | Shakhsiyaadka Caqabada Ku Ah Qaranimadda Somaaliyeed... W/Qorey Xasan Carab. |  | Soomaaliya Ma Iyadaa Isu Cadawa, Mise Cadaw Kalay Leedahay?!? (illaa qarnigii 15aad waxaa soomaalida jaah wareeriyay siyaasado xambaarsan udanaynta dadyaw kale ) Maqaal.... |  | MAQAAL: Cadowga Soomaaliyeed Waa Itoobiya... |  | Qushaashe Itoobiya, Qushaashe Tigreega... (W/Qorey Xasan Carab) |  | Shebekadaha Warbaahinta Somaaliyeed Kuwa Wanaagsan. (Ra'yi: W/Qorey Xasan carab)... |  | Guurtidii Ogaadeeniya Gowrac Bay Dhaleen. (Maqaal: W/Qorey Waayeel)... |  | Somaliland Dowladnimadeedii Iyadaa Diiday! (Jawaab laga bixiyey Maqaalkii hore - W/Qorey, Cantooshe)... |  | Cabdulaahi Lugbur Oo Gacantiisa Isku Gowracay! (Taariikhada Madow ee Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) uu shalay Galay). Maqaaal - W/Qorey, M. Waayeel... |  | Halkee SomaliLand Loo Yaqaanaa? (Qormadii 2aad - W/Qorey, Cabdullah Jaamac Boqor (Canada)... |  | Soomaaliyeey Diidneey. (Maqaal: W/Qorey Xasan Carb)... |  | SomaliLand Ma Maamul Gobaleed Baa, Mise Waa Jamhuuriyad? (Maqaal - W/Qorey, Cabdullaahi Jaamac Boqor (Canada)... |  | Shirka Khartoum Waxuu Ka Mid yahay Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed. (Maqaal). W/Qoray Axmed Boolay.... |  | Afrikada Bari Iyo Muuqaalka Beesha Ogaadeen Waa Qormadii III-aad ( By: D C)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen Qeybtii-II (MAQAAL: Qore: DC)... |  | Talooyin Ku Socoto Gudoonka Kacdoonka Muqdisho. (MAQAAL: W/Qorey - Xasan Carab) |  | Kacdoon Ummadeed Iyo Guul. (Maqaal - Qore: Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab) |  | Canshuurta Puntland 80% Waxaa Leh C/Laahi, Caqliga Ma Gashaa?. (Maqaal: Qore Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)... |  | ONLF Miyey Ka Tanasushay Mabda'ii Xornimadoonka Ahaa.? (Maqaal: W/Qorey - Waayeel. Wuxuuna na lee yahay - Wixii Talo, Dhaliil iyo Tusaale ah ku soo dir... |  | Heshiiska Dilaaliinta Hirgelimaayo. (Maqaal W/Qorey Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab)... |  | ITOOBIYA QARAN MALA RABTAA SOOMAALIYA ???. (Maqaal: W/D: Jaamac Maxamed Yare (Jaamac yare)... |  | Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen. (Maqaal: W/Qorey, D. C - Yare... |  | Ogaysiis: Banaan Baxa 23-ka May Ee London. (Qoraalakn waxaa SWN soo gaarsiiyey Xasan Carab - Jimce, 19 May, 2006)... |  | (10 May, 2006) Soo Dhowayn Ku Haboon Maqaamka Xurmada leh ee Garaad Jaamac Garaad Cali... |  | (10, May, 2006) Qormo: Kala Doora Nabad Iyo Naxuus... |  | MAQAAL: Inteeyda Qaranka Inta Kalena Quba. |  | Taageero Baaqa Cambaaraynta Ah Ee Jaaliyadda Beesha Warsangali... |  | Maqaal: Dilkii Islaan Cumar Sagal 1957 Iyo Soomaali waxay ku danbaysay! Dilka 4 Wadani .(1) Maxamuud Cawaale, 1960 Reer N.F.D.(2)Dahir Caydiid, 1962 Waqooyiga.(3)Aadan Cawil, 1965, Koonfurta. (4) C/rashiid Cali Sharma'arke, 1967 Bariga.)W/Q S. F. Abshir.. |  | Doonyaha Dhimashada Iyo Xeebaha Barigga... |  | Abwaan: Careeysi Ciise Kaarshe, Sugaan Wadaniyadeed Iyo Qiiro Dhab Ah... |  | Marwo Drs. Caasha Cumar Geesdiir: Muwaadinad Aqoonteed Iyo Waayo Aragnimadeed Ummadeed Ugu Adeegeeysa... |  | MAQAAL: Idinkaa Ugu Midab Quruxsane Hays Qulqulataynina. (W/Qoray Abwaan M.C.D. [Stanza]... |  | Abuurida Xarunta Nabadda, Daryeelka Iyo Hurumarinta Garaad C/Qani... |  | Baaq Ku Socda Cuqaasha Buuhoodle... |  | Dr-Ibrahim M. Saciid Al-Shabiin Agaasimaha Qeybaha Farsamada Iyo Waxbarashada Dadban... |
|