Home About us Advertise with us Feedback Contact us
  Chat Match maker Forums Music Downloads 6 September 2010 12:57
English Somali
Ra'yiga Iyo Qoraalada
Qoraalada Dadka
Fikradaha Dadka
Salaamaha iyo Tahniyadaha
Hambalyo
Munaasabadaha Gaarka ah
Ciidaha
Dhalashada iyo Aroosyada
Ciyaaraha
Kubada Cagta
Wararka Ciyaaraha
Waxbarashada
Ururada Ardyda
Kororso Aqoontaada
Bar ama Baro
Warsaxaafadeed & Ogaysiis
Ogaysiis
War-saxaafadeed-yada
Bayaanada
Tacsi.
Tacsi.
Fanka iyo Suugaanta
Gabayada Abwaan Istanza (English)
Gabayada Abwaan Istanza (Soomaali)
Gabayo
Yaa Ugu Caansan Fanaaniinta Soomaalida
Fanaankeed Ugu Jeceshahay
Fanka iyo Suugaanta
Wararka iyo Arimaha taagan
Wararka Afrika
Wararka Carabta
Jamhuuriyada Soomaaliya
Ogaadeeniya/Soomaali-Galbeed
Faalooyinka
Abaaraha
Dhacdooyinka Layaabka leh
Arimaha Taagan
Wararka Todobaadka
Wararka Iyo Arimaha Taagan
Waraysiyada
Shanta Gees (waa barmaamij gaar ah)
Wararka Maanta
Wararkii Hore
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Ii dheh iyo Ogaysiis
Dhaqaalaha iyo Lacagaha Aduunka
Arimaha Bulshada iwm
Maadays/Ila-Qosol
Xikmado
Guurka iwm.
Maxaad ka Taqaanaa?
Caafimaadka
Qofba dhan u badi
Sheeko iyo Shaahid
Talo iyo Tusaale
Imaqashii Imadadaali
Arimaha Bulshada
Magaalooyin gaar ah
Dadab/Dhadhaab - Kenya
Garawo - Puntland
Gaarissa - N.F.D
Godeey - S/Galbeed
Jigjiga - Ogaadeeniya
Hargaysa - S/Land
Muqdisho - Soomaaliya
Sheeko Caruureed
Sheeko Xariir
 La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010...

W/Q: FARAH AW-OSMAN

Qof aan asxaabnahay ayaa igu casumay kulan ka dhacay Magaaladda aan ku dhaqanahay ee Ottawa, kulankaas oo ahaa goob ay Ayaan Xirsi Cali kajeedinaysay hadal kusaabsan aragtideeda ku aadan Islaamka iyo weliba iyadoo soo bandhigaysay buug cusub oo ay qortay kaas oo loogu yeero ( Nomad) ama reer-guuraa.  Hadaba,  Intii aanan aqbalin casuumada ayaan su’aalo badan isweydiiyay,  sida: Waatuma Ayaan Xirsi?  Maxay ka hadli doontaa?  Maxaanse ka soo faa’iidayaa ama ka soo kororsanayaa hadaan tago kulankaasi?

Aqoonta aan u lahaa Ayaan runtii waxay ahayd min kooban, badanaana marjaca aqooneed ee aan Ayaan ulahaa waa mid ku koobnaa oo keliya macluumaadka aan ka akhriyay Saxaafadda Caalamka, iyo Mida Soomaaliyeedba.  Buugta ay qortay Ayaan sida ( Infidel) Gaal, iyo ( Nomad) Reer-guuraa qof akhriyay maan ahayn, kafool kafoolna warkiisaba daa.

Waxaanse nasiib u yeeshay inaan Magaalada Dubai iyo Boosaasoba nolol kula kulmo Alla u naxariistee Aqoonyahan Xirsi Magan Ciise oo ahaa aabihii Ayaan.  Aragtida ka sokoowna waxaan anigoo kuray ah dhagaysan jiray duruustii tacliimeed ee uu Xirsi ka soo dayn jiray Raadiyaha Kulmis, gaar ahaan barnaamijkiisii Laaska Daawadda.  Xirsi wuxuu ahaa aqoonyahan, siyaasi, iyo wadani ruug cadaa ah, kaas oo ay agtiisa aad ugu waynayd Mabaadida Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliguba.  Waxuu kaloo Xirsi ku caan ahaa aqoonta Luqadaha gaar ahaan fartii Cusmaaniyada iyo Mida Soomaaliga oo uu aad u jeclaan jiray in eray kasta oo afqalaad ah oo aan eray bixin loohayn inuu Soomaaliyeeyo, sida: Haashtariig (ashtray), oo uu ugu yeeri jiray (Dambas Qaad), Saacada oo uu ugu yeeri jiray (Goorayso) iwm….

Waxaan kaloo aad uga dharagsanaa Ayaan iyo ka bixitaankeeda diinta Islaamka iyo weliba Aflagaadada aan kala go’a lahayn ee ay ku hayso caqiidada, mabaadidi iyo dhaqanka Islaamka taas oo meelka dhac ku ah 1.6 Bilyan oo qof oo ku abrisada Caqiidada Islaamka.  Hadaba dood dheer kadib, naftaydu waxay igu qancisay inaan casuumada aqbalo, anigoo istusay inay haboontahay inta la iiga sheekayn-lahaa inaan dhagahayga ku soo maqlo, indhahaygana ku soo arko Ayaan iyo ololaha ay wado intaba si aan uga salgaaro ahdaafteeda, u ogaado waxa ku kelifay cadaawada iyo dagaalka Islaamka ka dhanka.  Waxaa jira odhaah uu yiri Nabigeena Suuban Nabadgelyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee:  “ Laysal Khabaru kal Mucayanah”  oo micnaheedu tahay “war laguu soo tabiyay la mid ma’aha waxaad indhaha saartay”, sidaa awgeed inaan ka soo salgaadho Ayaan oo ilayn Ishu iyadaa macalin ahe inaan goobta tago ayaan goostay.

Kulankii Ayaan iyo Habeenkii Khamiista

Waxaan goobtii kulanka tagay 7 fiidnimo ee June 10,2010.  Intii aanan gudaha kulanka gelinba waxaan dibada kula kulmay Askar labisan iyo kuwo dharcad ah oo sugayay amaanka goobta.  Waxaan xaga danbe ka istaagay saf dheer, waxyar kadib ayaa islaan iga horaysay igu tiri tigidh ma haysataa , waxaan idhi haa, kadib waxay igu wargelisay in safkaani yahay mid loogu tala galay dadka aan tigidhada haysan.  Dabadeed waxaan ka baxay safkii anigoo toos u abaaray iridii Mayfair Theatre oo ahayd goobtii kulanku ka dhacayay.  Hadaan guddaha ugalay tiyaatarkii waxaan la kulmay goob dad la ciirciiraysa oo aan kursi la fariistoba lahayn.  Hadaan doon doonay kursi aan salka dhigo, waxaa ishaydu ku dhacday kuras banaan nasiibdarose xaga danbe oo ugu koraysa tiyaatarku ku taal.  Goobtii hadaan fariistay waxaa dareemay inaan aad uga fogahay aragtida iyo il ka buuxsashada Ayaan.  Dabadeed waxaan isku dayay inaan kursi ka helo safafka hore, nasiib wanaag waxaan arkay saaxiibkay oo helay labo kursi oo xaga hore oo bidix ah, kana banaan safka labaad.

Wax yar kadib markaan salka dhulka dhigay ayaan jaleecooday wajiyadda dadka gollaha soo buuxdhaafiyay una yimid inay Ayaan dhagaystaan, mise waa wajiyo wada cad oo d’a walba leh, wax madow ah waxaa ishaydu ku dhacday labo nin, wax Muslim ah ama Soomaali ah oo aan ka ahayn aniga iyo Saaxiibkay goobta kumaan arag.   Hadaan ka fakaray sababta ay taasi ku dhacday waxaa iisoo baxday:

·         Maadaama ururka abaabulay kulanka uu yahay Ottawa Writers Festival, waxaan dareemay dadka meesha soo buuxiyay inay yihiin dad Ayaan buugteeda akhriyay, una yimid inay qof ahaan ula kulmaan
·         Waxaa kale oo aan dareemay in maadaama Muslimiintu guud ahaan , gaar ahaana mushtamaca Soomaalidu ay hore u maqleen ugana dhargeen Ayaan iyo aragtideeda inay doorbideen inaysan goobta imaan ilayn war la qabo xiiso malaha’e.

Wax yar hadaan goobtii fadhiyay waxaa soo galay rag ka tirsan ciidanka nabadsugida kuwaas oo isku hareereeyay goobtii ay fariisan lahayd Ayaan, waxay kaloo dhigeen ciidan la darays qaba oo ka tirsan Booliska Magaalada Ottawa dhamaan irridaha laga soo garo qaacadii aan fadhinay.  Inyar ka dib waxaa soo galay nin iyo haweenay aan u maleeyay inay ahaayeen gacan yarayaasha Ayaan kuwaas oo fariistay labo kursi oo naga horeeyay oo loo sii xajiyay.

Hadii iridii la furay waxaa goobtii soo galay Ayaan Xirsi kolkaas ayaa dadkii goobta wada joogay istaageen oo sacab iyo sawaxan gollahii isqabsaday.  Ayaan waxay fariisatay kursi aan sidaas nooga fogay, kadibna soo jaleecday xagii aan fadhinay aniga iyo saaxiibkay iyadoo muusoonaysa.  Waxaa hadalkii furay masuulkii Writers Festival isagoo ka hadlay dadka qoraaga ah ee sanadkaan lagu casumay Festival-ka kuna soo dhaweeyay Ayaan Ottawa, wuxuu makarafoonku ku soo dhaweeyay wariyaha ka tirsan Idaacada CBC Ottawa waa Lucy van Oldenbarneveld, haday ka yara sheekaysay taariikhda Ayaan waxay kadib ku soo dhawaysay makarafoonka Ayaan.
 
Ayaan waxay qadar labaatay daqiiqo ah akhriday cutub ka tirsay buugeeda cusub ee Nomad.  Buugaas oo ay ku tilmaantay mid sheekadii buugeedii hore ee Infidel sii wadaya.  Waxay tilmaantay in ay buugga u kala qaybisay afar qaybood oo kala ah: sheekada qoyskeeda, Waxa ka khaldan Islaamka , Lacagta iyo cudub ay tiri xal ayaan ku soo dhiraan dhiriyay.

Cutubkii dhaqaalaha ama lacagta ayay qadar 20 daqiiqadood ah noo akhriday.  Cudubkaas waxay kaga hadlaysay concept ama aragtida dhaqaalaha ee Islaamka iyo reer Galbeedku kala qabaan, gaar ahaan waxay sawirtay sawir aan oran karo aad ayuu mugdi u ahaa kaas oo ay ku tilmaantay khibradeedii qaxootinimo ee Holland.

Waxay ka soo sheekaysay nolosheedii xeryaha qaxootiga ee Holland, sida ay ku heshay sharciga, markii ugu horaysay ee la siiyo guri ay degto, lacagtii ugu badnayd ee gacanteeda soo gasha oo ahayd 5000 oo gildar.

Runtii waxaan aad ula yaabay sawirka khaldan oo ay Ayaan ka bixinayso Islaamka iyo mabaadida dhaqan dhaqaale, sidoo kale nolosha aadka u khaldan ee ay ka bixisay Haweenka Soomaaliyeed.  Waxyaalihii iigu yaabka badnaa ee ay ka hadashay waxaa ka mid ahaa:

·         Inay tiri maadaama aan dumar ahay lacagna aysan gacantayda soogeli jirin lacagtii iigu badnayd ama aan arko waa dayntii xafiiska caydha i siisay is aan guriga qalab ugu dhigto.
·        Markii social worker-ku iwaydiiyay inaan wax lacag ah oo “Saving” ah haysto waxaan ugu jawaabay bay tiri waa maxay “saving”?, waxay igu tiri bay tiri waa lacag aad meel dhigatay si aad hadhow u isticmaasho, waxay  tiri waa markii igu horaysay ee concept ama figrada ama micnaha saving aan maqlo ama fahmo, waxaan arki jiray oo keliya bay tiri ayayday oo lacagta hooyaday ama aabahaysiiyo ku qarsata barkinta.

·         Waxay kaloo tiri lacagtii markaan qaatay ayaan waxaan la tegay dukaan lagu iibiyo Kaarbadada iyo daahyada waxaana lacagtii oo dhan marka laga reebo 400 oo Gildar ku soo iibsaday labadaas shay.  Waxaa iitimid gabar ibari jirtay afka oo Holandees ah waxayna aragtay guri qaawan oo aan sariir, kuraas, TV iyo maacuun midna oolin waxayna la yaabtay bay tiri jahliga ihaysta.  (waxay si shucuur leh dadka ugu gudbinaysay adoonsiga dumarku ku jiraan, iyo sida aan lacag inay gacantooda gasho loogu ogolaan jirin, xornimo ay wax ku kala ogaan karaana u heli jirin qaxootinimada iyo nolosha macaan ee Qaxootinimada Yurub ka hor)
·         Waxay kaloo aad uga hadashay sida ay Soomaalidii Holland ku noolayd lacagaha daynta ah ee ay caydhu siiso iyo lacago ay Credit Cards ka xoqdeenba ugu diri jireen Kenya si eheladooda loogu soo tahriibiyo Yurub, iyadoo tiri kadib markaan luqada bartay oo aan turjubaan noqday waxaan go’aansaday inaan xiriirka u jaro dadkaan iyaga ah, iyadoo tiri lamaan hadli jirin Soomaalida marka laga reebo kuwa aan u turjubaanayo mooyee.

Markii ay dhamaysay akhrintee buugeeda ayaa waxaa la guda galay waraysi dhex maray iyada iyo wariyihii.

Su’aalaha la waydiiyay waxaa ka mid ahaa:

·         Sidee baa adigoo ka dhex baxay Islaamkii u doonaysaa inaad isbadal ku samayso?
·         Maxaa kugu kalifay inaad ka baxdo Islaamka, goorma ayayse figradaasi kugu dhalatay?
·         Dadka kaa soo horjeeda waxay leeyihiin Ayaan waxay dhagaha dadka Cadaanka ah ee dhaqan ama dabaqada dhexe ah maqashiisaa waxa ay jecelyihiin in dhagahoodu maqlaan, sidaa awgeed dhagaystayaashada iyo akhristayaashaadu waa kuwaas oo keliya soo maaha?

Waxay Ayaan sawirtay sawir sakhiif ah oo aad mugdi iyo naxdin u leh oo ku aadan Islaamka, iyadoo ka hadashay in adoonsi lagu hayo dumarka, in Islaamku khatar ku yahay jiritaanka aadanaha.  Silicii ay hooyaday iyo ayayday ku jireen ayaa igu kalifay inaan islaamka ka baxo anigoo go’aansaday inaanan iyagoo kale noqon, waxay tiri hooyaday waxay ii diiday inaan iskuul dhigto meesha aabahay uu ii dagaalamay.  Waxay kaloo tilmaantay inay 1991 xero qaxooti ee ku taala xuduuda Kenya iyo Soomaaliya kulana kulantay gabar Soomaaliyeed oo ay Askarta Kenyaatigu kufsadeen dabadeedna dadkii xeradu ka kala carareen kaligeedna ay meel cidlo ah deganayd, halkaas oo ay silic ugu dhimatay.

Waxyaalihii Ayaan ay ku hadashay waxaa ugu yaabka badnaa markii la yiri maxaa xal ah, waxay ku jawaabtay oo buugeeda Nomad na ku qoran in ay tiri dadka Kirishataanka ah waxaan u soo jeedinayaa inaad tagtaan xaafadaha Muslimku ku noolyahay oo aad ku dadaashaan inaad diintiina soo gelisaan.  Gabadii wariyaha ahayd oo la yaabsan jawaabta Ayaan ayaa tiri oo Ayaan sowdigaan bilaa diinta ah oo aan Ilaahba aaminsanayn “Atheist” , teeda kale soo tani noqon mayso wax dhibaato iyo khilaaf sii kala dhex dhigi karta dadka diimaha kala duwan haysta?  Waxay Ayaan tiri intaan Ilaah ul haysta oo dadka madaxa ka jaraya aan aamini lahaa waxaa dhaama Ciisaha timaha dheer ee baloondada ah leh oo kabaha saandalka ah wata oo nabada badan!

Hadaan isku dayo inaan taabto wax kasta oo Ayaan afkeeda ka soo baxay waxaan filayaa inaanan hal qormo kaga bogan Karin.
 
Gunaanad:

Waxyaalaha aadka ii cajiibka geliyay waxay ahayd beenta aan kala go’a lahayn ee ay Ayaan buugeedana ku qortay dadkii goobtaas joogayna ku dul akhriday.   Sida aan wada ognahay Ayaan waxay ka dhalatay qoys aad uga dhisan naaxiyad dhaqaale iyo tacliimeedba, Aabaheed wuxuu ahaa nin horaadkii lixdameeyadii ka qalin jabiyay Jaamacaada Columbia University, sidoo kale wax ka bartay Talyaaniga, ahaa ruugcadaa aqoon, siyaasad, diin iyo adabka luqadaba ku xeeldheer. Waxay Ayaan wax ku baratay Kenya, Itoobiya iyo Sacuudigaba, iyadoon Iskuulaad aad ugu horeeya tacliinta ka soo baxday.  Qof silic, qaxootinimo, cadaadis iyo cadaab midna soo aragtay maahayn.   Sidaa awgeed sawirka ay nafteeda ka sawirtay ama sheekada ay ka dhigayso inay iyada ku soo dhacday waa mid ka fog xaqiiqda nololeed ee Ayaan, balse waxaan oran karnaa waa FICTION , iyo male awaal ay ku riyootay Ayaan, taas oo ay nafac aduun iyo mansab aan lagu waarayn uga danleedahay, kuna jaahwareerinayso dadka aqoonta Islaamka ay u leeyihiin ay iska kooban tahay.  Sidaa awgeed maadaama ay buuga ugu yeertay Reer Miye waa in ay iska dhigtaan qof aan habeen magaalo arag, qof aan weligeed iskuul tagin, qof aan waligeen lacag, dayn iyo xaadaarad kaleba arkin, jishaana qof laga soo qabtay duurka iyadoo xayawaanada la xadraynaysa, sidoo kale si ay qabiyada reer Galbeedka ee buugteeda akhrista ugu raaxayso waa in ay muujisaa sida ay uga horeeyaan waxa ay ugu yeertay nolosha Barbeeriga ah ee aan naxariista, xadaarada iyo aqoonta midna lahayn.

Waxaa kale oo naxdin leh sawirka ay ka bixinayso qoyskeeda sida aabaheed, hooyadeed iyo ayaydeen, kaas oo ah mid madow oo cadaadis, dhibaato, jajuub iyo silic ka muuqdo.

Waxaa intaasba isku fuuqsaday aragtida guracan, sawirka naxdinta leh ee ay ka bixisay Islaamka,  dagaalka iyo dabargoynta ay la jeceshahay in lagu qaado Islaamka iyo cadaawada iyo isku dhirka ay kala dhexdhigayso dadka Muslimiinta ah iyo dadka diimaha kale aaminsan.

Waxaa kale oo doqonimo aan ku tilmaami karaa weerarka qaawan ee ay ku hayso mabaadida Multiculturalism ama dadka kala dhaqamada duwan ee sida nabada iyo wada noolaansha leh ugu wada nool caalamka, gaar ahaan wadamada reer galbeedka.  Anagoo og hadii aan daryeelka danyarta, soo dhawaynta qaxootiga iyo wada noolaansha dadka kala duwan aysan ka mid ahaan lahayn xeerarka wadamadda galbeedku inaysan Ayaan cag soo dhigteen Holland, horumar ka gaarteen halkaasi  kana mid noqonteen Baarlamaanta dalkaasi, sidaa awgeed inay har iyo habeen weerarto xeerarka iyo mabaadida u saamaxday ama siisay fursada hormarineen waa mid doqonimo aan ku tilmaami karno.

Isku soo duuboo, Ayaan waa qof maskax badan, laakiin aad moodid in cadaawadi ka buuxdo, xanaaq badana xambaarsan, nacaykuna ka indho tiray run iyo xaqiiq badan, aad moodid inaysan kala saari Karin dhaqan iyo diin, run iyo been.  Nolol silic ah oo aysan amni haysana ay maanta ku sugan tahay, socon karin waardiye la’aan, mari Karin meeshay doonto, dhuumashona ka doorbiday xoriyad.

Dariiqa ay qaadan waa mid aan wada noolaansho, isku soo dhawaansho, is faham iyo is qadarin aan ka dhalin Karin caalamka ay maanta colaada , dagaalada iyo cadaawadu hareeraysan.  Waxay wadaa olole abuuraya sii kala gogaansho, sii hurinaya dhibka iyo dhibaatada, kala oodayana ummadaha caalamka.

Way ku haboonaan lahayd in Ayaan dood cilmiyeed lala sameeyo , balse taasi waa mid aan maanta suurto gal ahayn baan filayaa, balse waxaa haboonaan lahayd in la tago goobaha ay hadalada ka jeediso, lana waydiiyo su’aalo waafi ah, sheekooyinka guracan ee ay dadka ku akhrinaysana si nabad iyo reer magaalnimo ku jirto loo saxo loona radiyo.  Hadii dadka Muslimiinta ama Soomaalida ahi aysan hadlin sheegin waxa ay aaminsan yihiin, aragtida ay ka qabaan waxa ay Ayaan afuufayso, Islaamku waxa uu u taagan yahay, aragtida Islaamku ka qabo dumarka, diimaha kale, iyo wada noolaanshaha iwm.. waxaa filayaa maqnaanshahaasi waa kan Ayaan u saamaxay ina dad badan oo aan aqoon u lahayn Islaamka ku jaahwareeriso oo cadaawada iyo sii kala fogaansho ku aaburto.

Waa in aynaan ka yeelin kooxo iyo afraad afduuba Islaamka oo sawir xun oo xaqiiqda ka fog ka bixiya Islaamka , kuwaasi ama ha huwanaadeen cimaamad Islaam ama sida Ayaan Ilaahayba ha inkireene.  Waa in mushtamaca Muslimku xisitaanka khaladka , difaaca maba’adida aan aminsanahay waa inaysan qofna uga haybaysan. Waxaad moodaa maanta in Islaamkii kooxo xag jir ah, ama afraad raba inay guddaha iyo dibada ka dumiyaan ay caadaysteen inay afduubaan diintaa magaceediina ku qaraabtaan, mid dhaha diintaan dadka qori caaradiis ugu dhaqayaa iyo mid dhaha diintaani waa masiibo in la tirtiro oo la saxo u baahan.  Waa in jamaahiirta kor u dhaaftay Bilyanku hadlaan iskana qabtaan fidma walayaasha guddaha iyo dibadaba.
 
W/Q: Farah Aw-Osman

Xigasho: garoweonline.com

Publish Date: 6/14/2010
Last Updated: 6/14/2010
Source: Somaliwide +


More News under this Heading
La kulan kaygii Ayaan Xirsi [Buugeedi Nomad] By Farah Osman. 14/6/2010...
DHAR DHAARADA GUMAYSTAHA (WQ Maxamed Xirsi Guuleed)...
Axmed Cabdisalaam, Mulkiilaha Idaacada Horn Afrik Oo La Sheegayo Inuu Diinta Kiristaanka Faafiyo. (Kismaayo News)...
BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE?
Cilmi Yar Waa Lagu Caddibmaa!
Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda (C/raxiim C. Shaafici)...
Ethiopia & Puntland Extradition Deal: Grave Violation of International Law
Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay
Is the whole world novice at the historical Ethiopian-Somali animosity?. (Article By M. A. D. (Stanza).)...
Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa (Maqaal - C/raxiim C. Shaafici)...
The Plight of the Ogaden Refugees: Time for the UN to protect them
Somalis back ex-president in prize bid
Geeddi: Xataa Aniga, C/hi
Hindiya iyo Waxbarashada....Qaybta 4--aad, Information Technology (IT)
Somaaliyeey Walaalayaal Dhegeeysta Xikmadahan. Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab...
Wiilkii aan soo Laaban. W/Qorey A. M. Yusuf...
Raga la dhiibayo rag baa u maqan. W/Qorey Cali Maxamed Dhagax...
Qoloba Calankoodu Waa Cayn. W/Qorey A. M. Yusuf...
Asmooyinkii Aw Makaadsade. W/Qorey A. M. Yusuf...
Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. (Xoog shisheeye xukuumad la guma noqdo) W/Qoray Maxamed dhaga...
Duullaanka Shisheeye Iyo Demmanaanta Soomaalida!. Qoraalkii Maxamed Baashe X. Xasan...
Unheard-of System of Government. By Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)...
Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?...
Somali Leaders Have A History of Making Costly Mistakes. (Article By Abdullahi Khalif-Gariile)...
Hamiga Xabashida Iyo Hanka Soomaalidu Waa
Raxanta Zanaawi Soo Dhowaada Camal Miyaa? (Qormo - Xasan Carab)...
Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed. (Maqaal - W/Qorey Xasan Carab)...
Ku abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga.
Bariga Afrika iyo Muuqaalka beesha Ogaadeen. W/Qorey D. Cabdiyare...
Difaaca Dhulka Hooyo waa waajib Diineed iyo Qarameed
Ala! War Odaygii Zenaawi maxaa ku dhacey? (MAQAAL: By Al-Haji)...
Drs Khadiija Muwaadimnad U Taagan Daryeelka Iyo U Adeegida Dadkeedda...
Baydhaba Oo La Cakiran Dananka Durbaanada Colaadeed. (W/Qorey Xasan Carab)...
BAAQ KU SOCDA XILDHIBAANADA ABSAME ...
Siyaasadxumo Waa Nololxumo (Maqaal - W/Qorey Siciid Axmed...
Somalia's transitional government was dead on arrival. By Sadiq A. Abdirahman Political and Human Rights Activist.
Hindiya Iyo Waxbarashada Qaybtii 3-aad: Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)...
Sayid Maxamed Cabdulle Xassan; Shaqsi naadir ah; waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa. Qeybtii 2aad...
Ururka IGAD Caqabadda Nabada Somaaliya Hor-taagan... (2) Idaacadda Somaaliyeed(SOA London) Warbaahiin Cusub... Qoraalada Xasan Carab.
Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qadirkow ka dhig mid najaxa (nabad iyo caano) W/Qorey Wardheere...
Sayid "Maxamed Cabdulle Xassan: Shaqsi naadir ah" Waxa qoray joornaalka (La Nation) ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxda...
Shakhsiyaadka Caqabada Ku Ah Qaranimadda Somaaliyeed... W/Qorey Xasan Carab.
Soomaaliya Ma Iyadaa Isu Cadawa, Mise Cadaw Kalay Leedahay?!? (illaa qarnigii 15aad waxaa soomaalida jaah wareeriyay siyaasado xambaarsan udanaynta dadyaw kale ) Maqaal....
MAQAAL: Cadowga Soomaaliyeed Waa Itoobiya...
Qushaashe Itoobiya, Qushaashe Tigreega... (W/Qorey Xasan Carab)
Shebekadaha Warbaahinta Somaaliyeed Kuwa Wanaagsan. (Ra'yi: W/Qorey Xasan carab)...
Guurtidii Ogaadeeniya Gowrac Bay Dhaleen. (Maqaal: W/Qorey Waayeel)...
Somaliland Dowladnimadeedii Iyadaa Diiday! (Jawaab laga bixiyey Maqaalkii hore - W/Qorey, Cantooshe)...
Cabdulaahi Lugbur Oo Gacantiisa Isku Gowracay! (Taariikhada Madow ee Cabdulaahi Xasan (Lugbuur) uu shalay Galay). Maqaaal - W/Qorey, M. Waayeel...
Halkee SomaliLand Loo Yaqaanaa? (Qormadii 2aad - W/Qorey, Cabdullah Jaamac Boqor (Canada)...
Soomaaliyeey Diidneey. (Maqaal: W/Qorey Xasan Carb)...
SomaliLand Ma Maamul Gobaleed Baa, Mise Waa Jamhuuriyad? (Maqaal - W/Qorey, Cabdullaahi Jaamac Boqor (Canada)...
Shirka Khartoum Waxuu Ka Mid yahay Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed. (Maqaal). W/Qoray Axmed Boolay....
Afrikada Bari Iyo Muuqaalka Beesha Ogaadeen Waa Qormadii III-aad ( By: D C)...
Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen Qeybtii-II (MAQAAL: Qore: DC)...
Talooyin Ku Socoto Gudoonka Kacdoonka Muqdisho. (MAQAAL: W/Qorey - Xasan Carab)
Kacdoon Ummadeed Iyo Guul. (Maqaal - Qore: Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)
Canshuurta Puntland 80% Waxaa Leh C/Laahi, Caqliga Ma Gashaa?. (Maqaal: Qore Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab)...
ONLF Miyey Ka Tanasushay Mabda'ii Xornimadoonka Ahaa.? (Maqaal: W/Qorey - Waayeel. Wuxuuna na lee yahay - Wixii Talo, Dhaliil iyo Tusaale ah ku soo dir...
Heshiiska Dilaaliinta Hirgelimaayo. (Maqaal W/Qorey Xassan C/Laahi Sh. (Xassan Carab)...
ITOOBIYA QARAN MALA RABTAA SOOMAALIYA ???. (Maqaal: W/D: Jaamac Maxamed Yare (Jaamac yare)...
Bariga Afrika Iyo Muuqaalka Beesha Ogadeen. (Maqaal: W/Qorey, D. C - Yare...
Ogaysiis: Banaan Baxa 23-ka May Ee London. (Qoraalakn waxaa SWN soo gaarsiiyey Xasan Carab - Jimce, 19 May, 2006)...
(10 May, 2006) Soo Dhowayn Ku Haboon Maqaamka Xurmada leh ee Garaad Jaamac Garaad Cali...
(10, May, 2006) Qormo: Kala Doora Nabad Iyo Naxuus...
MAQAAL: Inteeyda Qaranka Inta Kalena Quba.
Taageero Baaqa Cambaaraynta Ah Ee Jaaliyadda Beesha Warsangali...
Maqaal: Dilkii Islaan Cumar Sagal 1957 Iyo Soomaali waxay ku danbaysay! Dilka 4 Wadani .(1) Maxamuud Cawaale, 1960 Reer N.F.D.(2)Dahir Caydiid, 1962 Waqooyiga.(3)Aadan Cawil, 1965, Koonfurta. (4) C/rashiid Cali Sharma'arke, 1967 Bariga.)W/Q S. F. Abshir..
Doonyaha Dhimashada Iyo Xeebaha Barigga...
Abwaan: Careeysi Ciise Kaarshe, Sugaan Wadaniyadeed Iyo Qiiro Dhab Ah...
Marwo Drs. Caasha Cumar Geesdiir: Muwaadinad Aqoonteed Iyo Waayo Aragnimadeed Ummadeed Ugu Adeegeeysa...
MAQAAL: Idinkaa Ugu Midab Quruxsane Hays Qulqulataynina. (W/Qoray Abwaan M.C.D. [Stanza]...
Abuurida Xarunta Nabadda, Daryeelka Iyo Hurumarinta Garaad C/Qani...
Baaq Ku Socda Cuqaasha Buuhoodle...
Dr-Ibrahim M. Saciid Al-Shabiin Agaasimaha Qeybaha Farsamada Iyo Waxbarashada Dadban...
Member Login
User name:
Password:
 
Register now Forgot Password








Somali Radio Links
BBC Somali 04:00 GMT
BBC Somali 11:00 GMT
BBC Somali 14:00 GMT
BBC Somali 18:00 GMT
SomaliVOA 7:00pm
SomaliVOA 8:00pm
Radio Qoraxey
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
SBS Somali - Australia
BBC (Xasuqi Qabri-Dahare)
Somali Links
Celqooxle.com
Makhtal.org
Codkawaamo.com
Qaranimo.com
Somalibooks.org
4somaliwomen.com
Abaaqaroow.com
Afdheer/Hargeele
Allsanaag.com
aminarts.com
BBC Somali
buluugleey.com
Calanka.com
Dacwah.com
Dayniile.com
Dhanaan.com
Garoweonline.com
Halgan.net
Hiiraan
Jubbariver.com
kismaayonews.com
Markacadey.net
Mashallah.tk
Ogaden.com
Ogadenpost
Onlf.org
puntlandforchange.com
Qaadisiya.com
Qabridahare.com
Qorahay
Radiojigjiga.com
rstvonline.com
Somaligalbed.com
Somaliherald.com
Somalistate/Ogaden
Somalitribune.com
Somaliweyn.com/
Somaliwide.net
VOANews.com/Somali
Xaajo.com
Wargaysyada Afrika
DailNation (Kenya)
Eastandard.net
Hornafrik.com
Shabellenews.net
Timesnews.co.ke
Wargeyska.com
Wargaysyada Carabta
Sudantribune
Daralhayat.com
Asharqalawsat.com
Al-Jazira
Islaamic Links
Dacwah.com
News Papers
The Australian
The age.com.au
Washingtonpost.com
Guardian.co.uk
New York Times
Eastandard.net
Radio Links (English)
BBC World Service Radio
Bogaga Suugaanta Somalida
Hiiraan.com/Suugaan
Qorahay.com/suugaan
Doollo.com
Golkhatumo.com
 
Advertise with us | Feedback | Contact us | Terms & Conditions | Privacy Policy | Designed by: Tower Digital