Hargeelle: 2010-03-08 - Afdheer - Bilowgii dhismaha masaajidka weyn ee magaalada Hargeelle wuxuu dhismahani u socday si gaabis ah waxaase si tartiib ah loogu guuleystay in la ebyo dhismaha Masjidka hargeelle.
Dherarka dhismaha Masjidka AL- BILAAL ee magaalada Hargelle waa 30 Mitir halka uu ballaciisu yahay 20 Mitiir.
Dhismaha Masaajidkan ayaa ah mid loo dhisayo noocyada ugu tayo wanaagsan ee loo dhiso goobaha Alle lagu caabudo.
Dadka deegaanka iyo jaaliyadaha deegaanka ee ku nool dalka dibadiisa ayaa xil weyn iska saaray dhammeystirka masjidkan, wuxuuna ku dhow yahay gabagabo.
FG: sawirkan wuxuu kamid yahay VIDEO muuqaal ah oo uu Cabdullaahi Haybe kasoo qaaday dhismaha Masjidka Hargeelle.
QORE:
Deeq Cabdiyare
Afdheer.com
Publish Date: 3/8/2010
Last Updated: 3/8/2010
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|