Bu’aale Iyo Salagle Oo Lagu Wado In Ay Gaarto Kaalmadii Ugu Horeysay Ee Ay
Maxaakiimta Ka Helaan.
Sida uu manta shaaca ka qaaday shir warbaahinta loogu talo galay oo uu Kismaayo ku
qabtay Gudoomiyaha Jubbooyinka Axmed Sheekh Max’ed Islaam waxaa lagu wadaa in
Dagmooyinka Gobolka Jubbada Dhaxe sida Bu’aale iyo Salagle ay gaaraan lacago kaalmo
ah oo ay ugu deeqeen guddiyada samafalka Musiibooyinka Dabiiciga ah ee magaalada
Muqdisho.
Axmed Madoobe waxa uu shirkiisaas ku sheegay in deeqdan oo dhan $ 20 kun oo dollarka
mareykanka ay dhawaan gaarsiinayaan deegaanada Bu’aale iyo Salagle , ayna ka soo
gaartay Gudi ay Maxaakiimta u magacaabeen in uu la tacaalo mushkiladda ay dhaliyeen
biyaha webiga Jubba ee ka soo burqaday iyo daadaka ka soo rogmay dhulalka joogga
sareeya ee wadanka Itoobiya.
Waa kaalmadii ugu horeysay ee ay Maxaakiimtu la tiigsadaan Dagmooyink ka tirsan Jubbada Dhaxe.
By suqaar.Kismaayo
Publish Date: 12/9/2006
Last Updated: 12/16/2006
Source: Somaliwide +
More News under this Heading
|